Munaasabad lagu soo dhaweeynayay Musharrax C/raxmaan Cadoow oo Maanta lagu Qabtay Beledweyne "Sawirro"

0
Friday January 01, 2016 - 20:10:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasabad lagu soo dhaweeynayay Musharrax C/raxmaan Cadoow oo Maanta lagu Qabtay Beledweyne "Sawirro"

    Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynaha maamul-goboleedka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe C/raxmaan Xuseen Caddoow ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabad ballaaran oo lagu soo dhaweynayay Musharaxa Madaxweynaha maamul-goboleedka loo dhisayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada dhexe C/raxmaan Xuseen Caddoow ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan.

Mas’uuliyiinta maamulka heer gobol, odayaasha dhaqanka, dhalinyarro, haween iyo marti-sharaf kale ayaa soo camiray goobta munaasabadda lagu qabtay Ex-Baar Xassan Dhiif ee magaalada Beledweyne, waxaana halkaa khubado kala duwan ka soo jeediyay mas’uuliyiin iyo odayaal dhaqameed taageero mug leh u muujiyay musharaxa.

Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka gobolka Hiiraan, Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo xafladda ka hadlay ayaa xusay inay soo dhaweynayaan dhinacooda hanka siyaasadeed ee musharraxa, isagoo u rajeeyay guul & inuu kusoo baxo kursiga madaxnimo madaxweynaha maamulka labada gobol.

Musharax C/raxmaan Xusseen Cadoow oo munaasabada hadal ka jeediyay ayaa sheegay in haddii loo doorto xilka madaxweynaha maamulka labada gobol ka shaqeyn doono siidii ay bulshada ku dhaqan labada gobol u heli lahaayeen, Cadaallad, Midnimo iyo Sinnaan, sidoo kalana uu la-dagaaalami doono musuq-maasuqa, shaqo abuur u sameynayo dhallinyarrada ku dhaqan Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, si wax looga qabto Tahriibka, meeshana looga saaro dhimashada baahsan ee dhalinyarrada Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo uu xusay inuu ka shaaqeyn doonno kobcinta dhaqallaha labada gobol iyadoo dib loo soo nooleynayo dhamaanba goobihii adeega bulshada iyo kaabayaashii dhaqaalaha ee e ku bur-buray dagaalladii sokeeye, hirgalinta waxbarashada lacag la’aan ah ayuu sidoo kale soo hadal qaaday.

‘Marka la eego dhammaan ballan-qaadyada musharaxa oo ahaa kuwo Taabanaya dhinacyo badan ayaa ku xirran inuu marka hore ku guuleysto xilka madaxnimo ee maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Odayaasha dhaqanka iyo qeybihii kala duwanaa bulshada ee munaasabada ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha musharaxa oo ay u arkayeen mid diirada lagu saarayo dhamaanba baahiyaha kala duwan ee ka jira labada gobol.

Magaalada Beledweyne waxaa hadda ku sugan labo musharax oo u taagan xilka hoggaanka Maamulka loo sameynayo Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe; Kuwaasoo kala ah; C/raxmaan Xuseen Caddoow iyo Ibraahim Xabeeb Nuur oo shalay magaalada Baladweyne soo gaaray.

201611635872375095807599Musharaa (1) 201611635872375095807599Musharaa 201611635872375281460668Musharax 201611635872375439226604Musharax 201611635872375519010515MUsharaaaaaa 201611635872375636668949musharaxa-hiiraanxog.com-29 201611635872375807131498Musharaxaa 201611635872376404000518Musharaxaaa 201611635872376558962135Musharax1




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip