Barlamanka oo ansixiyay ku talagalka miisaaniyadda dowladaa ee sanadka 2016-ka

0
Thursday December 31, 2015 - 23:31:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barlamanka oo ansixiyay ku talagalka miisaaniyadda dowladaa ee sanadka 2016-ka

    Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay ku talagalka Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka kaddib kulan ay mudanayaashu maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa meel mariyay ku talagalka Miisanaiyadda Qaranka ee sanadka 2016-ka kaddib kulan ay mudanayaashu maanta ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Miisaniyadda dowladda  oo maanta barlamanaku ansixiyay oo ah 246 Milyan oo Dolarka Marayskan ah  ayaa  waxaa qeyb ka ah  qarasha lagu bixinayo  mushaaradka  ka  maqan  shaqalaha dowladda iyo ciidaamada qalabka  sida   ee sanadka 2015-ki,  waxaana sanadkaan  hal ku dhig looga dhigay miisaniyadda Qaranka  waa ku tiirsananta dhaqalaheena.

Wasiirka  Maliyadda ee xukumadda Soomaaliya  oo hadalka ka jeediyey kulanka Barlanka ayaa  xusay in  anxisanta  misaniyadda dowladda ee Sanadka 2016-ka ay ku xiran tahay in Soomaaliya  laga cafiyo daymo lagu lahaa.

Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee barlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalle  Cawad  oo kulanka barlamanka shirguddoominayey  ayaa  ku  dhawaaqay  natiijada codka  lagu meelmariyey  miisaniyadda dowladda ee sanadka 2016-ka.

Samaynta  miisaniyadda ay yeelato dowladda Federaalka  ayaa sahlaysa habka isla xisaabtanka  hufan ee hay’addaha kale duwan ee dowladda, taas oo horseedaysa  in dalkeenu   ka mid noqdo dalalka  ku horumaray hagaajinta maamulka wanaagga.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip