Taliyaha ciidanka xooga dalka oo booqdey xarunta naadiga horseed ee ciidanka xooga dalka xili uu manta muqdisho kusoo laabtey

0
Sunday December 27, 2015 - 15:23:44 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 989
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka xooga dalka oo booqdey xarunta naadiga horseed ee ciidanka xooga dalka xili uu manta muqdisho kusoo laabtey

    Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo wafdi uu hogaamiyay oo socdaal hal cisho qaatay ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana u kuurgalayay xaaladaha ay ku shaqeeyaan ciid

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed iyo wafdi uu hogaamiyay oo socdaal hal cisho qaatay ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose, isla markaana u kuurgalayay xaaladaha ay ku shaqeeyaan ciidanka xoogga dalka ayaa maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana garoonka ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo uu ka midyahay abaandulaha ciidanka.

Soo dhaweyn kadib taliyaha ciidanka iyo abaanduulaha oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga waxa ay kormeer ku tegeen xarunta ay ku tababbartaan kooxda kubadda cagta Horseed ee ciidanka xoogga dalka oo dhawaan ku guuleystay koobka Jeneraal daa’uud iyo kan super cup-ka ah oo labada jeerba ka qaaden kooxda Heegaan ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Jeneraal Cabdullaahi Xaaji Ceynte oo ah madaxa hogaanka ciidanka xoogga dalka ahna guddoomiyaha Naadiga Horseed ayaa taliyaha uga warbixiyay guulaha ay soo hooyeen iyo diyaar garowga ay ugu jiraan horyaalka heerka koowaad ee dalka.

Taliyaha ciidanka cirka Jeneraal Maxamuud Dable Beylood ayaa ka sheekeeyay marxaladihii ay soo mareen kooxda kubadda cagta ah Horseed ee ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed ayaa ku bogaadiyay macalinka iyo cayaartooyda kooxda Horseed dadaalka ay muujiyeen sanadkan, waxaana uu kula dar daarmay inay sii xoojiyaan tababbarada ay isu diyaarinayaan cayaaraha kubadda cagta ah

Kooxda Horseed ayaa dhawaan ku guuleysatay labo koob oo kala ah koobka Jeneraal Daa’uud iyo kan super cup-ka oo ay kaga guuleysteen kooxda Heegan ee ciidanka booliska.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip