Dowlada Uganda Oo Markii Ugu Horaysay Soomaaliya Usoo Diraysa Ciidan Dhanka Cirka Ah

0
Sunday December 27, 2015 - 14:04:20 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowlada Uganda Oo Markii Ugu Horaysay Soomaaliya Usoo Diraysa Ciidan Dhanka Cirka Ah

    Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday qorshe ay dooneyso inay Soomaaliya ugu soo dirto ciidamo dhinaca cirka ah oo ka qeyb qaata howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday qorshe ay dooneyso inay Soomaaliya ugu soo dirto ciidamo dhinaca cirka ah oo ka qeyb qaata howl galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Saraakiil ka tirsan Milateriga Uganda ayaa sheegay in qorshahan uu yahay sidii loogu taageeri lahaa Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa sheegay in Midowga Afrika arrintan kala shaqeyn doonaan, maadaama mas’uuliyad weyn ka saaran tahay howl galka AMISOM.

Qorshaha dhinaca cirka ah ayaa qeyb ka ah diyaaradaha shixnadaha qaada, kuwa qumaatiga u kaca iyo kuwa deg dega ee taageeraya Ciidamada AMISOM, xilliga ay howl galka ka wadaan Soomaaliya.

Howl galka AMISOM ayaa laheyn diyaarado dagaal, marka laga reebo dowladda Itoobiya oo adeegsata diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Uganda ayaa ah dalka ugu badan ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana ay xarumo ku leeyihiin deegaano ka tirsan gobolada dalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip