Taliyaha ciidanka xooga dalka oo lagu soo dhaweeyay magaalada kismaayo

0
Saturday December 26, 2015 - 12:47:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha ciidanka xooga dalka oo lagu soo dhaweeyay magaalada kismaayo

    Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay kulan kula leeyihiin Madaxda maamulka Jubbaland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo ay kulan kula leeyihiin Madaxda maamulka Jubbaland.

Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed ayaa la filayaa in marka ay u soo gabo gabowdo kulamada uu la yeelanayo Madaxda Jubbaland uu socdaal ku tegi doono xeryaha ay ku jiraan ciidamada isku dhafka ah ee lagu tababbarayo Kismaayo, kuwaasi oo uu ugu kuurgeli doono xaaladda ay ku shaqeeyaan.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo wafdiga la socda ayaa inta ay ku suganyihiin Kismaayo waxa ay sidoo kale kula la yeelan doonaan saraakiisha ciidamada xoogga dalka ka howlgallada Gobolka Jubbada Hoose, kuwaasi oo ay ka dhagaeysanayaan xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo caqabadaha heysta.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip