Kooxda Horseed oo usbuuc gudihiis ku guuleysatay 2-koob, kaddib markale ay jug u celisay Heegan oo ay ka qaaday Super Cup

0
Thursday December 24, 2015 - 19:22:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxda Horseed oo usbuuc gudihiis ku guuleysatay 2-koob, kaddib markale ay jug u celisay Heegan oo ay ka qaaday Super Cup

    Kooxda kubada cagta ee Horseed oo hoostagta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleysatay koobka Super Cupka kadib markii ay rigoorayaal ku garaaceen Kooxda Heegan oo oo iyana hoostagta Ciidanka Boliiska Soomaaliyaa oo ciyaar goor dhaw kuso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubada cagta ee Horseed oo hoostagta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku guuleysatay koobka Super Cupka kadib markii ay rigoorayaal ku garaaceen Kooxda Heegan oo oo iyana hoostagta Ciidanka Boliiska Soomaaliyaa oo ciyaar goor dhaw kusoo dhamaatay garoonka Benaadir Stadium ee Muqdisho.

Koobkaan wuxuu sanad walba ka hor bilowga xili ciyaareedka cusub dhex maraa kooxaha ku kala guuleysta koobka Janaraal Daa’uud iyo Horyaalka, Horseed ayaana todobaadkii dhawaa hantay Koobka Janaraal Daa’uud markii ay 2-1 ku suldaareen kooxda Heegan.

Si la mid ah ayey mar kale koob kaga qaadeen waxeyna ku suldaareen rigoorayaal iyadoo laba ka mid ah xidigaha kooxda Horseed kaarka cas loo taagay.

Daqiiqadhii loogu tala galay ciyaarta waxey kusoo dhamaadeen barbaro gool la’aan ah balse rigooreyaashii lagu kala bixiyay Horseed ayaa 3-1 ku awood sheegatay.

Ciyaarta waxaa u daawasha tagay oo daawanayay Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida oo uu ku jiro Taliya Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sareeeya Gaas  Maxamed Aadan Ibraahim




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip