Madaxweynaha koofur galbeed oo askar tababar ugu soo xirey Buur-hakaba

0
Thursday December 24, 2015 - 19:14:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha koofur galbeed oo askar tababar ugu soo xirey Buur-hakaba

    Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdi oo hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wefdi oo hogaaminaayo ayaa maanta gaaray degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay, wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa kamid ah

 xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gudoomiyaha gobolka Baay iyo xubno ka tirsan wasiirada maamulka koonfur galbeed Soomaaliya.

U jeedada wefdiga maanta ay u tageen Buur-hakaba ayaa aheyd tababar u soo xirida askar kamid noqon doonta ciidanka daraawiisha ee dowlada goboleedka koonfur galbeed.

Askarta maanta tababarka loo soo xirey ayaa waxaa ay gaarayeen 400 oo askari kuwaas oo muddo ku siman 4 bilood tababar ugu socday degmada Buur-hakaba.

Madaxweynaha dowladda goboleedka koonfur galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ciidanka maanta tababarka loo soo xirey dhowaan la soo gaarsiin doono la qalabeyn doona isla markaana xuquuqdooda la siin doona, waxaana madaxweynuhu armay ku bixiyay in ay isku furaan dhamaan wadooyinka ay gooyeen maleeshiyaadka kooxda alshabaab.

Shalay ayay aheyd markii sidan oo kale ciidamo ka mid ah kuwo dowlad goboleedka koonfur galbeed uu tababar ugu soo xirey degmada Diinsoor, iyadoo dhowaan degmooyinka ka tirsan gobolada maamulka koonfur galbeed ka tirsan tababar loogu soo xiri doono ciidanka dowladda goboleedka koofur galbeed Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip