Xassan Sheekh oo amar ka soo saaray ammniga gobolka Hiiraan

0
Wednesday December 23, 2015 - 07:57:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 880
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xassan Sheekh oo amar ka soo saaray ammniga gobolka Hiiraan

    Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo maalintii sedexaad ku sugan magaalada Beledweyne ayaa amar adag ka soo saaray xaalada ammniga guud ahaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya oo maalintii sedexaad ku sugan magaalada Beledweyne ayaa amar adag ka soo saaray xaalada ammniga guud ahaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne

oo todobaadyadii aynu soo dhaafnay ka dhaceen dagaalo is xig xigay iyo rabashado ka dhashay dil bXasan-Barlamaanka1ishii hore loogu geystay magaalada sarkaal ka tirsanaa QM.

Madaxweyne Xassan Sheekh, ayaa ku amray taliyaha ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Africa AMISOM Cismaan Dubad in wixii hadda ka danbeeya tallaabo adag laga qaado sidda uu hadalka u dhigay kooxaha qaswadayaasha ee ka shaqeynaya marar badan colaada ku soo noq noqtay gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ula dardaarmay taliska ciidammada Jabuuti ay ka soo dhalaalaan sugida ammniga gobolka, madaama ay inta badan ciidammada yihiin kuwo shacabka ku dhax-jira marka la eego ciidammada Itoobiya oo ay ka wadda-tirsan yihiin AMISOM oo fariisimo ku leh meel ka baxsan magaalada.

Taliyaha ciidammada Jabuuti, ayaa sheegay in uu ku shaqeynayo awaamiirta madaxweynaha lana aqbali doonin wixii hadda ka danbeeya dagaalo ka dhaca magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip