Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga Iibka Qaranka

0
Saturday December 12, 2015 - 18:29:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 953
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka oo meel mariyay sharciga Iibka Qaranka

    Xildhibaanka Barlamanka Federaalka ayaa ansixiyay Sharciga Iibka, qandaraasyada iyo dheef-wadaagga Qaranka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanka Barlamanka Federaalka ayaa ansixiyay Sharciga Iibka, qandaraasyada iyo dheef-wadaagga Qaranka

Kulanka Baarlamaanka ee maanta oo ahaa kalfadhhiga 7aad kulankiisa 19aad waxaa shir guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, iyadoo kulanka ay soo xaadireen 147 mudane.

Xildhibaanada ayaa u codeeyay sharciga Iibka, qandaraasyada iyo dheef wadaaga Qaranka oo ay soo diyaariyeen guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka, waxaana 143 mudane ay ugu codeysay haa, saddex mudane ayaa diiday halka hal Xildhibaan uu ka aamusay sida uu shaaciyay Mudane Jeylaani Nuur Iikar Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka.

Intaas kadib mudanayaasha ayaa bilaabay inay ka doodaan warar ku aadan in dowlada Hoose ee Xamar ay xaruntii hore ee golaha Shacabka (Ex-baarlamaan) lagu wareejiyay ganacsato, waxaana ay Xildhibaanada ay arrintaasi ku tilmaameen in hanti uu leeyahay baarlamaanka aysan bixin Karin hay’ad kale, isla markaana guddi loo saaro sababta keentay in dhulka ex-baarlamaan lagu wareejiyo ganacsato gaar ah.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in arrinta ay Xildhibaanada ka hadleen maalinta berito ah ay kulan gaar ah ka yeelan doonaan Guddiga maaliyada ee baarlamaanka iyo Guddoonka, kuwaasi oo ka soo saari doono qaraar ku aadan qaabka lagu bixiyay xaruntii Ex-baarlamaan ee ku dhaw taalada Daljirka dahsoon ee degmada Boondheere.

Dhinaca kale Xildhibaannada ayaa ka dooday sharciga ka hortaga lacag dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada, iyadoo mudanaayaashii aragtida ka dhiibtay ay soo jeediyeen in sharcigan uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalka.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa loo qeybiyay warbixinta guddiga Warfafinta ee la xiriirta akhrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka xeerka saxaafadda Qaranka, iyo taariikh nololeedka ee guddiga adeegga garsoorka si ay u soo akhristaan.



 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip