Ganacsatada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud

0
Saturday December 12, 2015 - 18:19:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 954
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada oo loogu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska xarumaha danta guud

    Ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed ayaa qalab dhismo oo shamiindo ah ku wareejiyay taliyaha Saldhigga booliska Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ka socoto howlo dib u dayactir oo lagu sameynayo saldhigg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed ayaa qalab dhismo oo shamiindo ah ku wareejiyay taliyaha Saldhigga booliska Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ka socoto howlo dib u dayactir oo lagu sameynayo saldhigga.

Guddoomiyaha  dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka  gobolka banaadir  Daahir Maxamuud Dirir oo ka hadlay goobta ayaa  sheegay in  ay sii wadi doonaan howlaha  looga qeyb qaadanayo dib u dayactirka lagu sameynayo xarumaha danta guud ee qeybta ka ah dalkaaga dhiso.

Guddoomiyaha ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka  Soomaaliyeed  Maxamed Abuukar Afrax  ayaa  tilmaamay in  dhankooda ay diyaar u yihiin  in ay  gacan ka geystaan  dib u dhiska dalka.

Taliyaha  saldhigga  booliska Degma Kaaraan Dhame   Cabdifataax  Xasan  ayaa ka  mahad celiyay deeqda ay soo gaarsiiyee ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed , isagoo xusya in ay ku soo beegantahay xilli haboon, ayna ku dhisayaan saldhigga.

Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee  Gobolka Banaadir  Cabdifataax Nuur Cali  ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay  ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda, isla markaana ay qalab dhismo soo gaarsiiyaan meelaha danta guud ee dib u dhiska lagu samaynayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip