WASIIRKA GAANSHANDHIGA SOOMALIYA IYO SARAAKIILSHA CIIDANKA XOOG DALKA OO KULAN LA QAATEY SARAAKIIL KA SOCOTEY MIDOWGA YURUB+sawiro

0
Saturday December 05, 2015 - 15:18:03 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA GAANSHANDHIGA SOOMALIYA IYO SARAAKIILSHA CIIDANKA XOOG DALKA OO KULAN LA QAATEY SARAAKIIL KA SOCOTEY MIDOWGA YURUB+sawiro

    Wasiirka difaaca ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdalla Xuseen Cali, Abaanduulaha Ciidanka xoogga iyo saraakiil kale ayaa maanta kulan la qaday saraakiil ka socday Midowga Yurub, waxayna iska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka difaaca ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Cabdalla Xuseen Cali, Abaanduulaha Ciidanka xoogga iyo saraakiil kale ayaa maanta kulan la qaday saraakiil ka socday Midowga Yurub, waxayna iska xog wareysteen howlaha ciidamada xoogga dalka Somaaliyeed iyo halka ay marayaan howlgallada dalka looga xoreynayo argagixisada Al-Shabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sidii Midowga Yurub uu u xoojin lahaa taageerada uu siinayo ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ciidanka Midowga Yurub ayaa tilmaamay inay ka go’antahay xoojinta taageerada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo ku aamaanay dowladda dadaallada ku aadan dib u dhiska ciidanka.

Wasiirka Difaaca ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa hoosta ka xariiqay in taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya aan la iloobi Karin, waxaana uu intaa ku daray in saraakiisha Midowga Yurub ay balan qaadeen wax u qabashada ciidamada xoogga dalka.

Saraakiisha ay maanta kulanka la qaateen Wasiirka iyo mas’uuliyiin kale ee Wasaaradda ayaa ahaa kuwa ka socday Midowga Yurub, waxaana ay u yimaadeen inay wax ka ogaadaan qaabka ay u shaqeeyaan ciidamada xoogga dalka oo tababar ka hela Midowga Yurub.

DSC07992DSC08029DSC08027DSC08025DSC08024DSC08023DSC08022DSC08021DSC08020DSC08019DSC08017DSC08014DSC08013DSC08012DSC08011DSC08010DSC08009DSC08008DSC08007DSC08006DSC08005DSC08004DSC08003DSC08002DSC07998DSC07997DSC07996DSC07995DSC07994




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip