Madaxda Maamulada Galmudug IYO Buntland oo ku kulmay Koofurta Gaalkacyo, balan qaadayna nabad +SAWIRO

0
Saturday December 05, 2015 - 13:59:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 842
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxda Maamulada Galmudug IYO Buntland oo ku kulmay Koofurta Gaalkacyo, balan qaadayna nabad +SAWIRO

    Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u tallaabay Koofurta Gaalkacyo, isagoo balan qaaday in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay horseed ka noqonayaan Nabadda Gaalkacyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta u tallaabay Koofurta Gaalkacyo, isagoo balan qaaday in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay horseed ka noqonayaan Nabadda Gaalkacyo.

Kulan quraac ah ayaa saakay waxay ku wada qaateen Hotelka Five Star ee Koofurta Gaalkacyo, waxaana kulankaas qeyb ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe iyo Guddiyada labada dhinac ee qeybta ka ahaa wada hadalada.

Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Madaxweyne C/wali gaas uu u soo tallaabo dhinaca Koofurta Gaalkacyo, isagana uu isla maanta tagi doono qeybta kale.

"Waxaa aad uga faraxsanahay in walaalkee C/wali Gaas inuu iga soo hormaray oo uu isaga bilaabay is dhex galka, isagoo u soo tallaabay halkan, anigana inaan isla maanta dhinaca kale tagi doono ayaa rajeynayaa, waxaa halkaan ka cadeyneynaa inaan colaad jirin, waxaana socdaal nabadeed ku mareynaa labada dhinac”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

Madaxweynaha Puntland C/wali gaas ayaa sheegay in colaadii Gaalkacyo ay aheyd mid aan ku tala gal aheyn, aadna uga xun yihiin, isagoo xusay in isaga iyo Madaxweynaha Galmudug ay hormuud ka noqonayaan Nabadda, isla markaana dadka la tuso wada jirka iyo dariiqa wanaagsan ee nolosha.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo gaba gabadii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in maanta la guda geli doono inta ka harsan ciidamada in la kala qaado, lana abuuro kalsooni, waxaana uu intaa ku daray in guddiyada labada dhinac ay bilaabayaan wada hadalada.

Waxaa uu sheegay inuu howshii ay qabteen ee dadaalada nabadeed ay mira-dhashay, isla markaana inta ka hartay ay rajeynayaan in Madaxda labada dhinac sii dhameystiraan sida uu yiri.

Waa kulankii afaraad oo ay yeeshaan Madaxda Puntland iyo Galmudug, tan iyo markii Ra’iisul Wasaaraha uu ku guuleystay in labada dhinac waan waan ka dhex bilaabo, isla markaana ku qanciyo inay heshiis gaaraan.

wafdi- (1)wafdi- (2)wafdi- (3)wafdi- (4)wafdi- (5)wafdi- (6)wafdi- (7)





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip