Xukuumadda oo ku baaqday wax yaabihii lagu heshiiyay in la dhaqan galiyo.

0
Saturday December 05, 2015 - 13:59:47 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 872
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda oo ku baaqday wax yaabihii lagu heshiiyay in la dhaqan galiyo.

    Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug inay tixgaliyaan heshiiskii laga gaaray colaaddii magaalada Gaalkacyo, oo laga shaqeeyo horumarka gobolka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Madaxda Maamulada Puntland iyo Galmudug inay tixgaliyaan heshiiskii laga gaaray colaaddii magaalada Gaalkacyo, oo laga shaqeeyo horumarka gobolka.

Iyada oo labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ay heshiis kama dambeys ka gaareen colaadii magaalada Gaalkacyo ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen "Odawaa” waxa uu ugu baaqay labada dhinac inay tixgaliyaan heshiiska oo ay ka qeyb qaataan horumarka gobolka.

"Madaxda waxa u suurta gashay inay ku kulmaan goobtii lagu dagaalamay, waxaa lala shiray taliyeyaasha cidamada labada dhinac, waxaana la faray, wixii lagu heshiiyay, iyadoo Ra’iisul wasaaraha iyo madaxdii la socotay ay goob joog ka ahaayeen, waxaan rajeynaynaa in labada dhinac ay xoojin doonaan qodobadii lagu heshiiyay.

Dhankale Madaxda Maamul Goboleedyada Galmudug iyo Puntland ayaa iminka kulan ku leh Koonfurta Gaalkacyo, kaasi oo qeyb ka ah heshiiska ay labada dhinac gaareen, waxaana kulanka goob joog ka ah Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Madaxda Maamul goboleedyada Koonfurgalbeed iyo Jubbaland.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip