Xaaladda Magaalada Gaalkacyo Oo Saakay Degan

0
Friday December 04, 2015 - 10:44:36 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Magaalada Gaalkacyo Oo Saakay Degan

    Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin guddiga waawaanta halkaasi ka waday oo uu horkacaya Ra'isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke ayaa saakay degan, iyadoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin guddiga waawaanta halkaasi ka waday oo uu horkacaya Ra'isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke ayaa saakay degan, iyadoo aysan jirin rasaas laga maqlayo.

Guddiga waawaanta ee Gaalkacyo ku sugan ayaa la filayaa in maantaba la kala qaado ciidamada kala taabacsan labada maamul ee ku diriray magaaladaasi, waxaana jawiga uu u muuqanayaa mid soo hagaagaya.

Saacadihii la soo dhaafay Magaalada Gaalkacyo waxaa ka soconayay kulamo kala gooni gooni ah oo ay hormuud u ahaayeen xubno waawaanta u jooga Gaalkacyo oo uu Ra’isul wasaaraha dalka ugu horeeyo, kuwaa oo lagu doonayo in mar kale aysan soo noqon xiisada gacan ka hadalka sababtay.

Madaxweynayaasha Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa horey ugu heshiiyay hergalinta afar qodob ay ka mid ahaayeen xabad joojin deg deg ah iyo in laklaa qaado Ciidamada labada maamul ee isku horfadhiya Magaalada Gaalkacyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip