Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xerey gaari ay wadatey

0
Thursday December 03, 2015 - 20:52:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wariye Hindiya Xaaji Maxamed oo u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray qarax loogu xerey gaari ay wadatey

    Allaha u naxariisteeWariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid aheyd Wariyeyaasha Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaarayqarax lagu xiray gaari ay wadatay duhurnimadii maanta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Allaha u naxariisteeWariye Hindiya Xaaji Maxamed oo ka mid aheyd Wariyeyaasha Radio Muqdisho iyo SNTV ayaa u geeriyootay dhaawac culus oo ka soo gaarayqarax lagu xiray gaari ay wadatay duhurnimadii maanta.

Hindiya Xaaji Maxamed ayaa ku geeriyootay isbitaalka Madiina, halkaasoo dhaawaceeda la geeyay, waxaana qaraxa markii hore ay ku weysay mid ka mid lugaheeda.

Agaasimaha Radio Muqdisho C/raxiin Ciise Caddow ayaa sheegay in Hindiya ay u geeriyootay dhaawacii ka soo gaaray qaraxii gaarigii ay wadatay lagu xiray.

Xilliga qaraxa lala beegsanayay ayaa la sheegay inay ka soo baxday mid ka mid ah Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho oo ay dhiganeysay, waxaana qaraxa uu ku qabsaday agagaarka Isgoyska Km4.

Sanadkii 2012 ayaa seygeeda oo ahaa Liibaan Cali Nuur uu ku geeriyooday weerar lagu qaaday maqaaxida The Village, halkaasoo ay ka qaxweynayeen wariyeyaal, waxaana sidoo kale ku dhintay C/sataar Dahir Sabriye oo labadaba ka wada shaqeynayeen Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ee SNTV.

Hindiya ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee wariye ah lagu dilo Muqdisho tan iyo sanadkii 2007-dii xilligaasoo Muqdisho ka bilowdeen beegsiga wariyeyaasha.

Qaraxyada lagu dhejiyo gawaarida ayaa magaalada Muqdisho ku soo badanayay, waxaana wariyihii u horeeyay ee lagu dilo qarax gaariga loogu xiray uu ahaa Allaha u naxariistee Yuusuf Keynaan oo bishii June ee sanadkii 2014, halka Wariye Maxamed C/llaahi Xaaji uu ka bad baaday qarax gaarigiisa loogu xiray bishii July ee sanadkii 2014.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip