Ciidamada X.D oo la wareegay tuulo hoostagta degmada Baraawe

0
Sunday November 29, 2015 - 11:12:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 916
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada X.D oo la wareegay tuulo hoostagta degmada Baraawe

    Ciidamada xooga dalka Soomaaliyed oo kaa shanaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ay kula wareegeen deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xooga dalka Soomaaliyed oo kaa shanaya kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka sameeyeen duleedka degmada Baraawe ay kula wareegeen deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha ee Maamulka Koonfurgalbeed ee Somaaliya Maxamed Caseyr oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in tuulo 7 kiilo mitir u jirta dhanka Koonfurka xigta magaalada Baraawe ay la wareegeen ciidanka dowladda oo kashaaya kuwa AMISOM, kadib howlgallo ay halkaasi ka sameeyeen.

"Sida aad ogtahay, howlgaladu in muddo ah ayuu socday, meel todobo km u jirta magaalada Baraawe ayay ciidamada kula wareegeen deegaanno ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, runtii cidanka ayaa iminka ku sugan deegaanka laga eryay Al-Shabaab, xaaladduna way degantahayā€¯ ayuu yiri Afhayeenka.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray inay ciidanku ay sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab, isla markaana ay jiraan tababaro la siiyay ciidamada maamulka Koonfurgalbeed si ay gacan uga geystaan dib u xoreynta deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan haraadiga Al-Shabaab.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip