Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar oo manta lagu aasay Muqdisho+sawiro

0
Thursday November 26, 2015 - 16:59:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar oo manta lagu aasay Muqdisho+sawiro

    Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Allaha u naxariistee Dr. C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad siday Meydkiisa ay saaka ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Allaha u naxariistee Dr. C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad siday Meydkiisa ay saaka ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Salaada Janaasada ee Meydka Safiirkii hore ee Masar u fadhiyay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, xildhibaano iyo ehelada marxuumka.

Aaska ayaaka dhacay qabuuraha Isbitaal Madiina ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Gobolka Wasiiro, Xildhibaano, wafdi ka socday Jubbaland, waxaana ay ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa nin wax weyn ka soo qabtay siyaasada arrimaha dibadda.

Allaha u naxariistee Danjire C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa ahaa safiirkii mudada dheer u fadhiyay Soomaaliya dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Safiirka, waxaana uu ku tilmaamay in qeyb weyn uu ka soo qaatay diblomaasiyada Soomaaliya.

IB0A0671IB0A0684IB0A0734IB0A0740IB0A0769IB0A0795IB0A0823






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip