R/wasaare ku xigeenka dalka oo dhagax dhigay dhismaha xaruntii wakaaladda Hindisaha

0
Thursday November 26, 2015 - 16:59:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 874
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/wasaare ku xigeenka dalka oo dhagax dhigay dhismaha xaruntii wakaaladda Hindisaha

    R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii wakaaladda hindisaha Soomaaliyeed oo dib u dayactir lagu sameeynayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

R/wasaare ku xigeenka dalka ayaa maanta dhagax dhigay xaruntii wakaaladda hindisaha Soomaaliyeed oo dib u dayactir lagu sameeynayo.

Xarunta Wakaaladdii Hindisaha Soomaaliyeed oo qaban jirtay shaqooyin kala duwan oo la xiriira hawlaha dhismaha dalka, sida diyaarinta naqshadaha xarumaha dowladda sameynta waddooyinka gadiidka isticmaalo iyo hawlo kale ayaa waxa ay muhiimad u tahay soo celinta qabashada adeegyadaasi.

Madaxda wasaaradda Howlaha guud iyo dib u dhiska Xukuumadda ayaa tilmaayay in dhaqaalaha lagu dayactirayo xaruntan ay iska soo aruuriyeen shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda howlaha guud.

Gudoomiyaha Degmadda Shangaani Axmed Xasan Yalaxow ayaa wasaaradda ku bogaadiyay dhismaha xaruntan oo muhiim u ah dalka, waxaana uuna intaasi ku daray in Degmada Shangaani ay nasiib u yeelatay Xarumaha Dowladda.

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Howlaha Guud iyo dib u dhiska Xukuumada Mudane Maxamed Cumar Geedi ayaa sheegay in wasaaraddu ay dadaal ballaaran ugu jirto soo celinta dhamaan xarumihii kala duwanaa ee wasaaradda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip