Taliyaha Ciidanka X.D.S "Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga"

0
Tuesday November 24, 2015 - 18:35:35 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 930
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka X.D.S "Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga"

    Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur geliyey xaaladda dhabta ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed S/G Maxamed Aaden Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo oo socdaal shaqo u jooga magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa maanta kormeer howlleed oo ugu kuur geliyey xaaladda dhabta ah

 ee ay ku nool yihiin Ciidanka wuxuu ku tagey xeryaha ay dagan yihiin Ciidamadda Xoogga dalka ee duleedka magaalada Kismaayo, halkaas oo uu kula hadlay ciidamadda Xooga dalka ee dhawaan isku dhafka lagu sameeyey. Isagoo sidoo kale tagey Dekedda weyn ee Kismaayo iyo xarumuhii Ciidanka Badda Soomaaliya ee yaalay magaalada Kismaayo.


Taliyaha ayaa kula dardaarmay ciidankan inay noqdaan ciidamo ka shaqeeya danaha shacabka, isla markaana illaaliya xaquuqda Bani’daamka maadaama ay nasiib u yeesheen in ay noqdaan ciidankii ugu horeeyey ee Isku dhaf lagu sameeyey "Waa inaad illaalisaan Nafta, Sharafka, iyo Hantida ummadda, kana difaacdaan dalka caddowga, uuna uug horeeyo caddowga al shabaab” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka.

"Hadda waxaan ka shaqayneynaa sidii dib loogu dhisi lahaa Ciidamadii Qaranka oo loo sugi lahaa Xuquuqda ay qaranka ku leeyihiin si ay u gutaan waajibaadkooda qaran. Waxaan idiin sheegayaa in aad nasiib u yeelateen in aad noqotaan ciidankii ugu horeeyey ee la isku dhafo”.

"Taliska Xoogga dalka Soomaaliya waxba dib uma dhiganayo si loo dhiso dhammaan qaybihii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo la doonayo inay ka yimaadaan dhammaan gobolada dalka. Ciidamada waa la isku dhafayaa, waxana laga wada qorayaa dalka oo dhan”ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/G Maxamed Aaden Axmed.

Ugu danbeyn, Taliyaha iyo Wafdiga la socday oo ay weheliyeen saraakiisha Ciidamadda ee deegaanadda Jubbooyinka ayaa kormeer ku sameeyey Xerada Akeedeemiyo ee duleedka Kismaayo iyo xarumihii ay lahaayeen Ciidanka Badda Soomaaliyeed ee ku yaala gudaha magaalada Kismaayo. Waxana uu Taliyuhu kormeerkiisa ku soo gaba-gabeeyey Dekadda weyn halkaas oo ay ka soconayeen xiligii uu booqonayay shaqo maalmeedka caadiga ah.
?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????

?????????????


 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip