Shirweynaha Qaran ee Warbaahinta oo Muqdisho ka furmay-SAWIRRO

0
Tuesday November 24, 2015 - 18:31:32 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynaha Qaran ee Warbaahinta oo Muqdisho ka furmay-SAWIRRO

    Waxaa barqadii maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha qaran ee horumarinta saxaafadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada warfaafinta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa barqadii maanta si rasmi ah uga furmay shirweynaha qaran ee horumarinta saxaafadda Soomaaliya, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasiirrada warfaafinta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Shirka waxaa furay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo sheegay in ujeeddada shirku tahay :

  • in ay fursad isu helaan wasaaradaha warfaafinta dowladda dhexe iyo wasaaradaha warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah, si ay isaga xaaladda warbaahinta dalka iyo sida loo horumarin karo.
  • In warbaahinta madaxa bannaan fursad isu hesho si ay u sameystaan siyaasad la xiriirta habka ay bulshada soomaaliyeed farriin sax ah u gaarsiin lahaayeen
  • In aan fursad u helno hay’adaha taageera warbaahitna Soomaaliya, si ay u ogaadaan baahida dhabta ah ee ay qabaan warbaahinta Soomaaliiyeed, lana nidaamiyo caawimaadda ay siiyaan warbaahinta Soomaaliyeed.

Wasiir Maareeye, ayaa  sheegay in uu rajo aad u wanaagsan ka qabo in natiijo aad u wanaagsani ay ka soo baxdo shirka oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay dowladda iyo dowladaha federaalka xubanaha ka ahi isugu yimaadaan.

" Natiijada shirka laga sugayaa waa in isbaddel weyn dhaco omarka uu dhammaado, oo saddexda qeybood ay sameystaan qorshe mideysan oo daweynaya baahida warbaahineed bulshada” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Wasiirrada warfaafinta ee dowlad-goboleedyada Jubaland,Koofur Galbeed iyo Galmudug oo hadallo ka jeediyay shirka ayaa iyaguna soo dhoweeyay qabsoomidda shirkan , iyagoo wasaaradda warfaafinta dowladda federaalka uga mahad celiyay qaban qaabadiisa, waxa ayna wasiirradu ballan qaadeen in ay rajeynayaan in ay ka soo baxaan natiijooyin gacan ka geysanaya horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed iyo iskaashigeeda.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland oo ka wakiil ah wasiirka warfaafinta Puntland ayaa isaguna muujiyay sida Puntland u taageersan tahay shirkan oo uu ku tilmaamay mid macne weyn ku fadhiya.

Shirkan oo socon doona muddo labo maalmood ah,waxaa ka qeyb gelaya wakiillo ka socda qeybaha kala duwan ee warbaahinta madaxa bannnaan  iyo hay’adaha warbaahinta taageera eek a howl gala Soomaaliya.

IMG_0472IMG_0476IMG_0494IMG_0450IMG_0498IMG_0500IMG_0453IMG_0496IMG_0459IMG_0485IMG_0447IMG_0489IMG_0502IMG_0415IMG_0506IMG_0413IMG_0424IMG_0418IMG_0419IMG_0428IMG_0437IMG_0430




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip