Qaar ka mid ah kooxihii weeraray Paris oo la aqoonsaday iyo dad lagu xiray Belgium

0
Monday November 16, 2015 - 06:15:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 965
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaar ka mid ah kooxihii weeraray Paris oo la aqoonsaday iyo dad lagu xiray Belgium

    Laamaha Sirdoonka Faransiiska oo wali ku howlan baaritaanka weerarkii habeenkii jimcihii ka dhacay Paris ayaa aqoonsaday qaar ka mid ah kooxihii ka dambeeyay weerarkii dadka faraha badan ku dhinteen ee qaraxyada iyo toogashada ahaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laamaha Sirdoonka Faransiiska oo wali ku howlan baaritaanka weerarkii habeenkii jimcihii ka dhacay Paris ayaa aqoonsaday qaar ka mid ah kooxihii ka dambeeyay weerarkii dadka faraha badan ku dhinteen ee qaraxyada iyo toogashada ahaa.

Weerarada oo ka dhacay lix goobood oo kala duwan, sida maqaayado, garoonka kubadda cagta iyo Tiyaatar lagu daawaanayay bandhig faneed ayaa waxaa fuliyay illaa sideed ruux oo hubeysan, isla markaana xirnaa jaakadaha qarxa.

Dacwad oogaha Faransiiska Francois Molins ayaa sheegay in kooxihii weerarka fuliyay ay ahaayeen saddex koox, waxaa uu xusay in loo baahan yahay in la ogaado, halka ay ka yimaadeen, halka ay dhaqaalaha ka heleen iyo dadkii gacanta siiyay.

Mid ka mid ah raggii weerarka fuliyay ayaa ku dhashay duleedka magaalada Paris, waxaa lagu magacaabaa Omar Ismaïl Mostefai, kaasoo lagu aqoonsaday farihiisa.

Hey’addaha ammaaanka faransiiska ayaa ninkan u aqoonsanaa xagjir, inkastoo aan xabsi la dhigin, waxaana fartiisa laga helay Tiyaatarkii Bataclan kadibna lagu cadeeyey DNA.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip