Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha shabeelaha dhexe oo booqdey degmada mahadaay

0
Monday November 16, 2015 - 06:15:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 978
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha shabeelaha dhexe oo booqdey degmada mahadaay

    Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta booqday degmada Mahadaay isagoo u kuur galay xaaladda nololeed ee dadka ay saameynta ku yeesheen roobabka iyo fatahaadda wabiga Shabeelle.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi uu hogaaminayo Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen Guudlaawe ayaa maanta booqday degmada Mahadaay isagoo u kuur galay xaaladda nololeed ee dadka ay saameynta ku yeesheen roobabka iyo fatahaadda wabiga Shabeelle.

Taliyaha qeybta boliska gobolka shabeelaha dhexe oo la Hadley idacada ciidamada qalabka sida qaliif cabdulle cismaan ayaa shegey in wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha shabeelaha dhaxe uu boqanayo degmada mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe oo la soo wariyay in ay ka jiraan xaalad nololeed ee dadka ay sameyn ba an ay ku yeesheen fataahada uu sameeyay wabiga shabeele

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe waxaa booqashadiisa ku wehliyay guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad Sugaal, taliyaha qeybta Booliska gobolka Sh/dhexe, Col Khaliif Cabdulle Cismaan iyagoo kormeeray saldhigga Booliska degmada Mahadaay, isbitaalka, suuqa degmada Mahadaay, dugsiyada waxbarashada iyo xaafado ay saameyn ku yeesheen roobabka iyo fatahaadda wabiga.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu warbixino ku saabsan saameynta ay roobabka iyo fatahaaduhu ku yeesheen degmada Mahaday ka dhageystay guddoomiyaha degmada Mahadaay Axmed Xuseen Afrax .

Sidoo kale gudoomiye Guudlaawe ayaa sheegay inuu wax u qaban doonaan dadka ku barakacay roobabka iyo fatahaadaha. Waxana uu sheegay in kormeerkiisa ay ku weheliyaan injineero dhismaha ah kuwaasoo qiimeyn ku sameynayay mashaariicda horumarka ee lagama maarmaamnka u ah bulshada degmada sida isbitaalka iyo iyo iskuullada.

Degmada mahadaay dadka ku nool ayaa waxaa sameyn ku yeeshey fatahaada uu sameyay wabiga shabeele






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip