Danjiraha Soomaaliya ee South Africa oo la kulmay xubno ka tirsan jaaliyadda Johannseburg

0
Monday November 16, 2015 - 06:15:27 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 866
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjiraha Soomaaliya ee South Africa oo la kulmay xubno ka tirsan jaaliyadda Johannseburg

    Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika ayaa caawa shir u qabatay qaar ka mid ah Aqoonyihanada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee Gobolka Gauting kaasoo loogu hadlay arrimo muhiim u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Shirkan oo socda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Koonfur Afrika ayaa caawa shir u qabatay qaar ka mid ah Aqoonyihanada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee Gobolka Gauting kaasoo loogu hadlay arrimo muhiim u ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Shirkan oo socday muddo sedex sac ka badan oo ay Safaaradda ugu qeybalayeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkani,Danjire Jamal Maxamed Barrow iyo Qunsulka Maxamed Cali Mire (Nabadoon) ayaa arimaha loogu hadlayay waxaa ka mid ah,mideynta Jaaliyadda Koonfur Afrika ku dhaqan, sidii Dowladda Koonfur Afrika looga codsan lahaa fududeynta Sharciyada Dalka,in tirokoob iyo Diiwaangalin lagu sameeyo Jaaliyadda Soomaaliyeed,horumarinta ganacsiyada Soomaalida,iyo waliba sidii loogu hortagi lahaa dilalka iyo dhibaatooyinka Ajaaniibta ay Soomaalida qeyb ka tahay. Qodobadan oo ay Aqoonyihannada,Waxgaradka iyo Madaxda Safaaradda si weyn u lafa gureen,waxeyna is dhaafsadeen talooyiin muhiim ah.

Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay Shirkan ayaa sheegay hadii Qodobadan laga dooday xal loo helo ay Jaaliyadda Soomaalida ee Koonfur Afrika ay ka yaraan lahaayeen dhibaatooyinka ugu badan oo ay dilalka ka mid yihiin,

 
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Koonfur Afrika,Danjire Jamal Maxamed Barrow oo Shirkan gudoominayay oo ugu dambeyntii Shirkan soo gabagabeeyay ayaa sheegay in Qodobadan ay Jaaliyadda u yihiin muhiim,waxa uuna ballanqaaday in ay dhageysan donaan talooyinka bulshada qeybadeeda kala duwan ee ku dhaqan Koonfur Afrika,Safiirka ayaa yiri.
 
"Waxaan idinka rabnaa hadii aad noo tilmaami kartaan Shirciyada Soomaalida ku joogaan,in aad talo naga siisaan dhahdaan hadii saas la sameeyo ama Safaaradda kaalintaas ayay ka ciyaari kartaaā€¯
 
Shirkan ayaa ka mid Shirar isdaba joog ah oo ay yeelanayaan Madaxda Safaaradda iyo Jaaliyadda si loo helo Jaaliyad mideysan kuna xiran Safaaradooda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip