Mshruuc lagu horumarinayo kalluumeysatada oo maanta laga hirgeliyay xeebaha Muqdisho

0
Sunday November 15, 2015 - 16:15:21 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mshruuc lagu horumarinayo kalluumeysatada oo maanta laga hirgeliyay xeebaha Muqdisho

    Mashruuc loogu talagalay kalluumeeysatada iney si fudud ugu jillaabtaan ayaa laga hirgeliyay xeebaha maagalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mashruuc loogu talagalay kalluumeeysatada iney si fudud ugu jillaabtaan ayaa laga hirgeliyay xeebaha maagalada Muqdisho.

Mashruucaanfad oo ah qalab badda la dhigayo islamarkaaana kalluunka isugu keenaya meel ay si fudud uga soo jillaban karaan kalluumaysatada ayaa laga hirgaliyey xeebaha Muqdisho gaar ahaan Liido, Geel Liq iyo Jasiira.

Fulinta iyo hirgalinta mashruucan ayaa waxaa iska kaashaday wasaaradda kallumaysiga iyo qayraadka badda iyo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta cuntada iyo beeraha ee FAO, ujeeddada mashruucan waa waa sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka kheyraadka badda Soomaaliya.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Kheyraadka badda ku xigeenkiisa, agaasimaha guud ee wasaradda wakiilka hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa furitaanka mashruucan maanta laga hirgaliyey xeebaha Muqdisho.

Qalabkan waxaa dhigay xeebaha markab ay dusha ka ilaalinayeen dooman ay leeyihiin ciidamada ilaalada xeebaha Soomaaliya ee ka socda Midowga Yurub.

Maxamed Cumar Caymooy wasiirka kaallumaysiga iyo kheyraadka badda oo warbaahinta kula hadlay markab dushiisa ayaa sheegay in mashruucan uu faa’iido badan u leeyahay kalluumeystada ka jilaabata xeebaha Muqdisho.

Wasiirkan ayaa xusay in mashruucan la gaarsiin doono dhamaan xeebaha dalkeena oo dhan si ay kalluumeysatada ugu fududaato soo saaridda kalluun farabadan isagoo tilmaamay in qalabkani uu kalluunka isugu keenyo meel ay si fudud uga soo qabsan karaan kalluumeysatada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip