Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha oo si kulul uga hadlay derbiga Kenya ay ka dhisayso xadka War-saxaafadeed

0
Sunday November 15, 2015 - 15:55:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha oo si kulul uga hadlay derbiga Kenya ay ka dhisayso xadka War-saxaafadeed

    Xubnaha Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen darbiga Dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay ka dhisto xadka ay lawadaagto Dalkeena Soomaaliya, waxayn soo saareen Warsaxaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xubnaha Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen darbiga Dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay ka dhisto xadka ay lawadaagto Dalkeena Soomaaliya, waxayn soo saareen Warsaxaafdeed ka kooban 6-qodob Qodobada War saxaafadeedka ku jira ayaa waxaa kamid ah inay ayideen Go'aankii Baarlamaanka iyo Xukuumadda Somaaliya ay ka qaateen darbiga Kenya ay dhiseyso iyo baaq ay u direen Dowladda Kenya oo ah inay joojiso oo ay ku tilmaameen in ay tahy mid sharci darro ah.

Cabdiqaaliq Cabdullahi Xamza oo katitsan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo intaasi kadib Warbaahinta u akhriyay War-saxaafeedk ayaa sheegay in guddiga uu dowladda Kenya ugu baaqayo in ay dhawrto sharuucda caalamiga ah, ee ku saabsan in dalne uusan fara gelin karin dalkale dhulkiisa, isla markaana ay dowladda Kenya ixtiraamto darisnimada labada dal ka dhaxesay, kana waantoowdo Xudgudubka ay ku heyso dalka Soomaaliya.

"Guddiga Madaxa banaan ee xuduudaha iyo Federaalka ee dalka Soomaaliya, isagoo ka amba qaadaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed iyo waajibaadka Dastuuriga ee loo idmaday, isla markaana cuskanaya sida ku cad dastuurka 1960kii qodobkiisa 4aad farqadda (1aad iyo 2aad) Dastuurka 1990kii qodobkiisa 6aad farqadda (1aad) iyo dastuurka KMG ah looo ansixiyay 2012kii qodobadkii 7aad Farqadda (2aad) dhamaan waxaa ku cad in dhulka Soomaaliya la qeybin karin laguna xadgudbi karin lana qeybin karin sida, berigiisa, badihiisa, hawadiisa, biyaha uurka hoose iyo xuduud dhuleedkiisa” ayuu yiri Cabdiqaaliq Cabdullahi Xamza

Xukuumadda iyo Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay cadeeyeen inaysan marnaba Dowladda Kenya ka ogolaan doonin darbiga ay qorsheyneyso inay ka dhisto xadka ay lawadaagto Somaaliya, waxaana Baarlamanka Federaalka shalay ay go’aamiyeen inay sharci kasoo saaraan arintaasi.

الصور20002




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip