Liibiya: Diyaradaha Maraykanka oo duqeeyey xubno ka tirsan ISIS

0
Sunday November 15, 2015 - 15:55:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 929
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liibiya: Diyaradaha Maraykanka oo duqeeyey xubno ka tirsan ISIS

    Dowlada Maraykanka ayaa Sabtidii shalay xaqiijisay inay duqeyn ku dishay Hogaamiye ka tirsan kooxda ISIS ee ku sugnaa dalka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Maraykanka ayaa Sabtidii shalay xaqiijisay inay duqeyn ku dishay Hogaamiye ka tirsan kooxda ISIS ee ku sugnaa dalka Liibiya.

Weerarkan duqeynta ah ayaa la sheegay inuu dhacay maalinimadii Jimcihii lasoo dhaafay, waxaana lala beegsaday Abu Nabil oo ah nin u dhashay dalka Ciraaq, balse qeyb ka ahaa hogaanka kooxda ISIS ee mudooyinkii danbe xarumaha ka sameystay dalka Liibiya.

Duqeynta ayaa ka dhacday magaalada Derna ee dalka Liibiya halkaasi oo ay kooxda ISIS ku xoogan tahay.

Maraykanka ayaa sheegay in duqeyntooda aysan wax xiriir ah la lahayn weerarkii habeenkii Jimcaha ka dhacay magaalada Paris ee dalka France oo lagu dilay 129 qof, weerarkaasi oo ay sheegatay isla kooxda ISIS.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip