Obama oo lagu soo dhaweeyey Turkiga kana qeyb-galaya shirka G20

0
Sunday November 15, 2015 - 15:55:28 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 853
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama oo lagu soo dhaweeyey Turkiga kana qeyb-galaya shirka G20

    Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa saaka oo Axad ah soo gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka G20 ee dalalka ugu hormarsan dunnida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa saaka oo Axad ah soo gaaray magaalada Antalya ee dalka Turkiga, halkaasi oo uu ka furmi doono shirka G20 ee dalalka ugu hormarsan dunnida.

Obama ayaa lagu wadaa inuu maanta shir horudhac uu la yeesho Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan.

Magaalada Antalya oo uu shirka G20 ka furmayo ayaa aamaankeeda si weyn loo adkeeyey, waxaana magaalada la keenay ciidamo ka badan 30.000 askari oo xoojinaya goobta shirka uu ka dhacayo iyo amaanka guud ee deegaankaasi oo 500km u jirta dalka Siiriya oo uu xiligan dagaal xoogan ka socdo.

Shirka G20 ayaa lagu wadaa in si weyn looga hadlo arrimaha amniga ee la dagaalanka kooxda ISIS, wuxuuna shirka kusoo beegmayaa kadib weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada Paris ee dalka France.

Madaxweynaha France Francois Hollande oo shirkan ka qeyb geli lahaa ayaa ka baaqday, waxaana shirkan dalka France mateli doona Wasiirka Arrimaha Dibada Laurent Fabius.

Tayyib Erdogan Madaxweynaha Turkiga oo sanadkan marti gelinaya shirka G20 ayaa u ololeenaya in la helo iskaashi caalami ah oo looga hortagayo kooxda ISIS, dowlada Turkiga ayaa xiligan dhankeeda ka wada duqeymo ay la beegsaneyso kooxda ISIS iyo jabhada kasoo horjeeda ee xukuumadooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip