Maareeyaha dekadda Kismaayo oo beeniyay in dhuxul laga dhoofiyo Kismaayo

0
Sunday November 15, 2015 - 10:46:45 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 985
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha dekadda Kismaayo oo beeniyay in dhuxul laga dhoofiyo Kismaayo

    Maareeyaha dakadda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose Cabdullaahi Dubad Shiil ayaa sheegay inay la socdaan waxkasta oo ka baxa dakadda ayna been abuurtahay wararka sheegaya in si sharci darro ah wax looga dhoofiyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maareeyaha dakadda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose Cabdullaahi Dubad Shiil ayaa sheegay inay la socdaan waxkasta oo ka baxa dakadda ayna been abuurtahay wararka sheegaya in si sharci darro ah wax looga dhoofiyo.

Maareeyaha oo lahadlay idaacada ciidamada qalabka sida ayaa tilmaamay in dekadda ay ka soo degaan waxyaabo kooban oo uu maamulka ka warqabo, isla markaana aysan jirin wax sharci darro ah oo dekadda ka soo dega ama laga dhoofiyo.

"Waxaan xog ogaal ka ahay, waxa dekadda ka soo dega iyo waxa laga dhoofiyo, waxyar oo kooban ayaa ka so dega oo ay ka midtahay sonkorta oo ay ganacsatada magaalada ay keensadaan” ayuu yiri Maareeyaha.

Maareeyaha dakadda magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose Cabdullaahi Dubad Shiil ayaa been abuur ku tilmaamay in dekada magaalada Kismaayo laga dhoofiyo dhuxul, isagoo xusay in wargeysyada arrintaas wax ka qoray, ay xigasho been ah qaateen.

"Waxaan ogeyn dekadda kama bixi karaan, waana been abuur in dekadda laga dhoofiyo dhuxul, balse wargeysyada qoray ayaa waxa ay soo xiganayaan sawirro hore oo ka turjumaya in dekadda Kismaayo dhuxul laga dhoofiyo, taasi oo ahayd intii aan dowladda Federaalka ah mamnuucin dhoofinta dhuxusha” ayuu hadalkiisa ku daray Maareeyaha..




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip