Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay tuulooyin hoostaga degmada Ceel buur

0
Sunday November 15, 2015 - 10:28:34 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay tuulooyin hoostaga degmada Ceel buur

    Ciidanka xoogga dalka ee gobolka Galgaduud ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Ceel buur waxa ay kula wareegeen deegaanno hoostaga Degmada, kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysan jireen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka xoogga dalka ee gobolka Galgaduud ayaa howlgallo ay ka sameeyeen magaalada Ceel buur waxa ay kula wareegeen deegaanno hoostaga Degmada, kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysan jireen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Maxamed Kaariye oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ee ku sugan Ceel buur oo la hadlay Radio Muqdisho codka ciidamada qalabka sida soomaaliyed ayaa sheegay in ciidanka ay ka saareen tuulooyin dhowr ah oo ay dadka ku dhibaateyn jireen kooxda Shabaab, waxaana uu intaa ku daray inay sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

"Ciidanka waxa ay ka saareen deegaanno hoostaga degamda Ceel buur, waxaa ka mid ah Tuulooyinka ay la wareegeen Xasan Suufi, Ula sharaf, Garas dheere, iyo kuwa kale, haatanna ciidanka waa ay sii socdaan, wayna sii wadayaan ilaa iyo inta laga ciribtirayo guud ahaan argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed Kaariye ayaa hoosta ka xariiqay inay soo dhaweynayaan maleeshiyaadka ka soo goosanaya kooxda Shabaab ee isu soo dhiibeysa gacanta ciidanka dowladda, waxaana uu baaq u diray dhallinyarada ay qaldeen Shabaabku inay heystaan fursad ay isku soo dhiibi karaan.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip