Wasiir Diini oo cambaareeyey weerarkii Nabad-diidku ku qaadeen Akaademiyada Kismaanyo

0
Sunday November 15, 2015 - 10:21:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 859
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Diini oo cambaareeyey weerarkii Nabad-diidku ku qaadeen Akaademiyada Kismaanyo

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa cambaareeyey falkii argagixiso ee kooxaha nabad-diidku ay ku qaadeen xero tababar oo ku taalla duleedka waqooyi ee magaalada Kismaanyo, halkaasi oo ay ku xareeys-naayeen ci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa cambaareeyey falkii argagixiso ee kooxaha nabad-diidku ay ku qaadeen xero tababar oo ku taalla duleedka waqooyi ee magaalada Kismaanyo, halkaasi oo ay ku xareeys-naayeen ciidan ka tirsan Daraawiishta Jubbaland. Falkaasi argagixiso ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka ayaa tacsi u diray Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed iyo eheladii ay ka dhinteen ciidankaasi geesiyaasha ahaa ee u halgamayey Soomaaliya oo nabdoon. Wuxuna xusay in ciidamadaas iyo kuwii ka horeeyey ee dhintay iyagoo u dagaalamaya difaaca dalkooda hooyo marnaba la ilaawi doonin.

Mudane Diini ayaa ku bogaadiyey ciidamadda qaranka waajib-gudashada iyo naf-hurnimada, isagoo tilmaamay in ciidanku suura-geliyeen in cadowgu uu ku hungoobo falalkii ay la damacsanaayeen in lagu wiiqo horumarka iyo nabadda dalka ka jirta.

Wasiirka oo weerarkii duleedka Kismaanyo ka hadlay ayaa yiri: "Waxaan tacsi u dirayaa qoysaska, saaxiibada iyo ehellada ciidamadii qaranka ee lagu dilay weerarkii ka dhacay Kismaanyo. Ciidankaas waxay muujiyeen naf-hurid iyo sida ay ugu diyaarsan yihiin difaaca dalkooda "

"Weerar kaas iyo kuwii ka horeeyey ee cadowgu ka sameeyey dalka waxay ahaayeen falal fuleynimo ah oo ay sameyeen kuwa isku qarinaya tafsiir khaldan oo ay ka bixinayaan Diinta Islaamka. Waxaan u sheegaynaa kooxaha nabad-diidka ah in ciidanka qaranka mar walba iyo meel walba uu diyaar ugu yahay sidii uu damaciinna gurracan u hor istaagi lahaaā€¯

Wasiirka difaaca Soomaaliya ayaa ugu danbeyn boggaadiyey howlgallada ka socda dalka ee lagu baacsanayo haraadiga nabad-diidka, isagoo ammaan u jeediyey ciidamadda Soomaaliyeed iyo saaxiibada AMISOM, isla markaana ku dhiirrigeliyey inay xoojiyaan dadaallada geesinimo ee ay kaga hortagayaan kooxda sharka iyo burburka ee waqtigeedu sii dhamaanayo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip