Taliye Xaamud" Askariga Booliska Soomaaliyeed waxaa ku imtixaanaynaa Aqrinta iyo Qorista Farta Soomaaliga "

0
Saturday November 14, 2015 - 13:48:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 957
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliye Xaamud" Askariga Booliska Soomaaliyeed waxaa ku imtixaanaynaa Aqrinta iyo Qorista Farta Soomaaliga "

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dhawaan bilaabi doonaan Ol-olaha tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib marka ay qabtaan Xuska Maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in dhawaan bilaabi doonaan Ol-olaha tababarka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed kadib marka ay qabtaan Xuska Maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliye Xaamud ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan isaga oo sheegay in Askariga Soomaaliga ah lagu imtixaani doono in uu qori karo aqrina karo farta Soomaaliga oo aan loo dulqaadan doonin Askari aan wax qorin waxna aqrin.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Hishiis ay kala saxiixdeen Hogaanka Booliska Soomaaliyeed iyo Hogaanka Booliska Suudaan hishiiskaas oo dhigaya in tababar la siiyo Ciidankeena Soomaaliyeed.

Taliyaha Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in Saraakiisha Saraakil xigeenada iyo Saraakiisha sar sare intaba ay tababar aqoon kororsi ah loo wada samayn doono si kor loogu qaado wacyigooda aqooneed.

Taliyaha ayaa sidoo kale ugu baaqay Dhalinyarada ka baxay dugsiyada sare Jaamacadaha iyo kuwa kale ee aqoonta sare leh in ay ku biiraan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si ay wadankooda wax ugu qabtaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip