Ciidanka xoogga dalka oo deegaanka Buq-aqable ku dilay tiro Al-Shabaab ka tirsan

0
Saturday November 14, 2015 - 13:04:04 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka xoogga dalka oo deegaanka Buq-aqable ku dilay tiro Al-Shabaab ka tirsan

    Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka fuliyeen degaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ku dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab.

Ciidanka dowladda ee ku sugan dhanka galbeed ee Gobolka Hiiraan ayaa howlgallo ka fuliyay deegaanka Buq-aqable oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kaasi oo lagu dilay todobo ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab, halka dhanka ciidanka dowlada ay kaga dhaawacmeen 4 askari.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee gobolka Hiiraan Ibraahim Muxumed Geeddi ayaa ku soo waramayaa in deegaanka Buq-aqable ay iminka kusuganyihiin ciidanka dowladda, isla markaana laga sifeeyay maleeshiyaadkii deegaankaasi ku dhuumaaleysanayay.

Ciidamada ayaa hadda waxa ay halkaasi ka wadaan howlgallo amni xaqiijin ah oo ay kaga hortagaan cidkasta oo Nabadgelyada qal qal ku abuureysa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip