Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay meel u dhaw Xarardheere

0
Saturday November 14, 2015 - 13:00:18 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 987
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay meel u dhaw Xarardheere

    Dadka ku dhaqan deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa ku guuleystay inay kala eryaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, oo ku hungoobay inay lacago baad ah ka qaadaan dadka deegaanka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka ku dhaqan deegaanno hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa ku guuleystay inay kala eryaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, oo ku hungoobay inay lacago baad ah ka qaadaan dadka deegaanka.

Goobjooge ku sugan degmada Xarardheere oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Ceel-huur iyo degmada Xarardheere, kaasi oo u dhexeeyay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka deegaanka, waxaana dadka deegaanka ay iska caabiyeen maleeshiyaadkii weerarkii soo qaaday.

"Inta u dhexeysa Ceelhuur iyo degmada Xarardheere ayaa lagu dagaalamay, oo u dhexeeyay dadka deegaanka iyo maleeshiyada Al-Shabaab, markii ay isku dayeen inay lacago baad ah ka qaadaanā€¯ ayuu yiri goob joogaha la hadlay Radio Muqdisho.

Warka ayaa intaa ku daraya in dagaalka u dhexeeyay dadka ku nool deegaanno hoostaga degmada Xarardheere iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay horjoogihii watay kooxihii weerarka soo qaaday oo lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq iyo kuwa kale oo la socday, isla markaana ay iminka degantahay xaalada deegannada lagu dagaalamay oo ay gacanta ku hayaan dadka deegaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip