Ciidamada Ammaanka oo saaka howl gal ka wada inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

0
Thursday November 12, 2015 - 11:28:49 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ammaanka oo saaka howl gal ka wada inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye

    Ciidamada ammaanka dowladda ayaa saaka howl gal ballaaran ka wada wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kadib markii shalay qaraxyo ismiidaamin oo loo adeegsad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada ammaanka dowladda ayaa saaka howl gal ballaaran ka wada wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, kadib markii shalay qaraxyo ismiidaamin oo loo adeegsad

ay gawaariwadadaas lagula eegtay kolonyo uu la socday Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamo isugu jira Nabadsugida iyo kuwa Milateriga ay deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ay baaritaano ka wadaan, waxaana saaka si aad ah loo baarayay baabuurta isaga kala gooshta wadadaas.

Afhayeenka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay si taxadar leh ay u baarayaan gawaarida iyo deegaanada, waxaana jira tuhun ah in qaraxyadii shalay ka dhacay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye lagu diyaariyay deegaanadaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in qaraxyada oo laga war hayay ay yareysay khasaaraha, isla markaana ay ciidamada ka hor-tageen labada baabuur ee qaraxyada fuliyay.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip