Wasiir Maareeye "Dowladdu way soo dhaweyneysaa xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay"

0
Tuesday November 10, 2015 - 17:11:17 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 983
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maareeye "Dowladdu way soo dhaweyneysaa xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay"

    Dawlada Soomaaliya ayaa soo dhaweeysa xafiiska cusub taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo boogaadisay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dawlada Soomaaliya ayaa soo dhaweeysa xafiiska cusub taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, iyadoo boogaadisay doorka Qaramada Midoobay ee ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Golaha ammaanka ee Qarmada Midoobay ayaa soo saaray qaraar tirsigiisu yahay 2245, kaasi oo ku saabsan in xafiiskii taageerada Qaramada Midoobay ee AMISOM (UNSOA), loo badalay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, United Nations Support Office for Somalia (UNSOS).

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in Xukuumadda ay soo dhaweyneyso qaraarka lagu badalay xafiiskii hore ee lagu soo badalay xafiiska cusub, kaasi oo u shegay in uu sii xoojin doono xiriirka hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.

"Dowladda Soomaaliya way soo dhaweyneysaa kor u qaadista xafiiska cusub ee ku aadna taageeridda Soomaaliya, aad ayaan u soo dhaweyneynaa qaraarka ka soo baxay Golaha ammaanka 2245, xafiiska oo markii hore la shaqeyn jiray AMISOM, balse haatan uu la shaqeynayo hay’adaha dowladda” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa sheegay in xafiiska uu wax weyn ku soo kordhin doono xiriirka tooska ah ee ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada Midoobay.


"Hay’adaha dowladda iyo kuwa Qaramada waxa ay yeelanayaan xiriir toos ah oo dhanka wada shaqeynta ah, gaar ahaan hay’adaha amniga ee dowladda u qaabilsan iyo kuwa Qaramada Midoobay, taasi oo qeyb weyn ka qaadaneyso xoojinta iyo sare u qaadida taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip