Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Oo Kormeer Howleed Ku Tagay Wado Dayactir Uu Ka Socdo

0
Thursday April 23, 2015 - 09:15:55 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1273
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Gobolka Sh/dhexe Oo Kormeer Howleed Ku Tagay Wado Dayactir Uu Ka Socdo

    Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka iyo jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee caalamka ku nool inay ka qeybqaataan dayactir lagu sameynayo wadadka isku xirta degmada Jowhar iyo Balcad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ugu baaqay wasaarada gaadiidka cirka iyo dhulka iyo jaaliyada gobolka Sh/dhexe ee caalamka ku nool inay ka qeybqaataan dayactir lagu sameynayo wadadka isku xirta degmada Jowhar iyo Balcad.
Cali Guudlaawe Xuseen Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa baaqan ka jeediyay mar uu booqday heerka uu marayo dayactir lagu sameynayo wadada laamiga ah ee isku xira magaalada Jowhar iyo magaalada Balcad.

"Waxaan ugu baaqayaa wasaarada gaadiidka cirka iyo jaaliyada gobolka ee ku nool dibada inay ka qeybgalaan dayactirka lagu sameynayo wadada maadaama ay wadada ay tahay mid muhiim u ah isu socodka gaadiidka caasimada dalka iyo gobolada dhexe ee dalka.” ayuu yiri guddoomiye Guudlaawe.


Dayactirka lagu sameynayo wadada laamiga ah oo ah waddo aad u burbursan ah ayaa waxaa iska kaashanaya maamulka gobolka Sh/dhexe iyo gaadiidleyda gobolka iyadoo halka lagu sameeyay dayactirka ay tahay mid gaadiidka u fududeeyay maritaanka.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa hore uu dayactir ugu sameeyay wadada u dhexeysa magaalada Jowhar iyo deegaanka Kongo oo qiyaastii 6km u jirta magaalada Jowhar.

Wadada isku xirta degmada Jowhar iyo degmada Balcad ayaa burbur xoog leh uu ka jiraa iyadoo aysan wadadu dayactir wanaagsan helin muddo kabadan 40 sano, waxana gaadiidku ay dhibaatada wadada dareemaan xilliyada ay roobabku da’ayaan ee guga iyo deyrta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip