Maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Hiiraan

0
Monday November 09, 2015 - 18:40:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 883
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab oo lagu dilay howlgal ay ciidamada XDS ka sameeyeen Hiiraan

    Afar ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidamada XDS ay gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay ka sameeyeen deegaanka Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ciidamada XDS ay gelinkii dambe ee shalay ilaa xalay ka sameeyeen deegaanka Garasyaani ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka ayaa bilowday kaddib markii dadka deegaankaasi ay ciidamada ku soo wargeliyeen maleeshiyaad ka tirsan Shabaab oo ku dhuumaaleeysanayay deegaanka Garasyaani, iyadoo cutubyo ka tirsan ciidanka XDS ay halkaasi ku baxeen, waxaana xigay iska hor’imaad kooban oo dhex maray ciidamada XDS iyo maleeshiyaadka Shabaab.

Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaanka Garasyaani ayaa Radio Muqdisho u sheegay iney arkeen meydadka maleeshiyaadka Shabaab oo ka koobnaa Afar, waxeyna intaasi ku dareen in ciidamada XDS ay halkaasi saaka ka wadaan howlgallo dheeraad ah, iyagoo ku sii raad jooga firxadka maleeshiyaadka Shabaab.

Maleeshiyaadkaasi ayaa la sheegay iney dhibaatooyin farabadan ku hayeen dadka rayidka ah ee ku nool deegaanka Garasyaani, waxeyna dadka xoola dhaqatada ah si qasaba uga kaxeeysanayaan xoolahooda, iyagoo ku andacoonaya ineey qaadayaan waxa ay ugu yeeraan Sakawaad.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip