DAAWO SAWIRADA:- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo habeenkii xalay ahayd Khartoum gaaray

0
Monday November 09, 2015 - 18:36:15 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DAAWO SAWIRADA:- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo habeenkii xalay ahayd Khartoum gaaray

    Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa xalay saqdii dhaxe gaaray magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan halkaas oo ay booqasho sadax maalin qaadan doonta ku joogi doonaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeya Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa xalay saqdii dhaxe gaaray magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan halkaas oo ay booqasho sadax maalin qaadan doonta ku joogi doonaan.

Taliyaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Khartoum  gaar ahaan Hoolka VIP kusoo dhaweeyay Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Booliska Dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan iyo Madax ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu horkacayay Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Suudaan Mudane Maxamed Cabdulaahi Ugaas Lataliyaha koowaad Ibraahin Guure Maxamed iyo Uqaybsaha Warfaafinta Fiidow Maxamuud Fiidow.

Wafdiga uu horkacayo Taliyaha ayaa waxaa ka mid ah saraakiil ka tirsan Booliskeena Soomaaliya oo horay wax ugu bartay Dalka Suudaan midaas oo muujinaysa in xariir qoto dheer u dhaxeeyo labada boolis ee Soomaaliya iyo Suudaan.

Sareeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlayay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Suudaan u yimaadeen sidii loo xoojin lahaa xariirka ka dhaxeeya labada dal gaar ahaan dhanka Booliska iyo waxii la xariira isagoo intaa ku daray in ay rabaan in khibrad badan ka qaataan Booliska Dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan

11-11-322-22-367891011121313-1141516

Sawir Qaade: Maxamed Cabdiqaadir Socdaal




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip