Madaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada

0
Sunday November 08, 2015 - 15:53:38 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 851
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha oo madaxda gobolka kala hadlaya arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Entebbe, ee dalka Jamhuriyadda Uganda,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Entebbe, ee dalka Jamhuriyadda Uganda,

halkaas oo uu Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni kala hadli doono arrimaha amniga gobolka, dardar-gelinta hawlgalada ciidammada AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale.

Uganda ayaa waxay ka mid tahay dalalka ay ciidammada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta AMISOM.
Madaxweynaha ayaa socdaalka Uganda kadib, kulan kaa la mid ah magaalada Djibouti kula yeelan doona Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Hoggaamiyeyaasha dalalka ay ciidamada ka joogaan waddanka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka dhacay New York, bishii September, waxay isla garteen dardar-gelinta hawlgalada milateri ee dalka looga sifeynayo kooxda Al Shabaab oo khatar ku ah amniga gobolka iyo kan caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kadib socdaal ku tegi doona magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya , halkaas oo uu kaga qeybgeli doono Shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.

Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan 22-ka dal ooJaamacadda Carabta ka tirsan, iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta America.

–DHAMMAAD—




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip