Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen maliishiyaadka ururka ISIL

0
Wednesday April 22, 2015 - 13:07:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1337
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen maliishiyaadka ururka ISIL

    Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen maliishiyaadka ururka ISIL oo dalka Libya ku diley in ka badan 20 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud , ayaa maanta cambaareeyay falka foosha xun ee ay ku kaceen maliishiyaadka ururka ISIL oo dalka Libya ku diley in ka badan 20 qof oo Masiixiyiin ah oo u dhashey Ethiopia bishan April 19-keeda.

"Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa falkan waxashnimada ah. Falkan ay ku kacdey kooxdan argagixisada ah waa dembi weyn oo bahalnimo ah. Falkani waa burcadnimo la huwiyey magaca aydoloojiyad aan waxba ka jirin. Waxaa cad in kooxda ISIL ujeeddadeedu ay tahay oo keliya inay faafiso fariin waxashnimo iyo dhibaateynta dad aan waxba galabsan. Waa dembiileyaal ka soo horjeeda ilbaxnimada; waa bahalo quuta dhiigga wiilasheena iyo gabdhaheena,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha waxaa sidoo kale uu sheegay in argagixisanimada ay tahay khatar caalami ah, oo u baahan in si wadajir ah waajib la isaga saaro sidii loola tacaali lahaa. Waxaa uu intaa ku darey in Soomaaliya oo ah dal ay waxyeelo uu ka soo gaarey falal argagixisonimo, ay si dhow ula shaqeyn doonto beesha caalamka si loo burburiyo kooxaha argagixisada.

"Soomaaliya waxay balanqaadeysaa waajibaadka ka saaran la shaqeynta waddamada Afrika, isla markaana aysan aqbali doonin in kooxaha argagixisada ay gabbaad ka dhigtaan waddanka. Waxaan u taaganahay inaan waddamada Afrika kala shaqeyno baahida sugidda amniga. Waxaan garab taaganahay mabaadii’da caalamiga ah ee dhowrista xoriyadda, in laga hortago tacaddiyada, taageerada ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanaha,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Madaxweynaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip