gollaha qurba joogta Soomaaliyeed oo dowlada ka codsatay in wax ay ka qabato dhibaatada lagu hayo Soomaalida Dalka S/Afrika ku nool

0
Wednesday April 22, 2015 - 09:48:02 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1328
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    gollaha qurba joogta Soomaaliyeed oo dowlada ka codsatay in wax ay ka qabato dhibaatada lagu hayo Soomaalida Dalka S/Afrika ku nool

    Golaha qurba joogta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Golaha qurba joogta Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ka wax ka qabato dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika.

Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku sugan Wadamada caalamka oo ka hadlayay qalalaasaha hadda ka taagan Wadanka Koonfur Afrika ee looga soo horjeedo dadka ajaabniibta ah oo ay Soomaalidu qeyb ka tahay ayaa camabareeyay dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed oo ganacsato u badan loogu geysto dalkaasi.

War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ee caalamka ayaa lagu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay yihiin dadka jecely nabada iyo dowladnimada, isla markaana dhibaatooyinka hadda ka jira wadanka Koonfur Afrika ay iyagu saameyn weyn ku yeelaneyso, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay weerarada joogtada ah ee dadka Koonfur Afrikaanka ah ay ku hayaan nafta iyo hantida dadka Soomaaliyeed ee dalkaaasi ku nool.

Golahan ayaa sheegay in tani ay kasoo horjeedo xuquuqda aadanaha, isla markaana loo baahanyahay in caaalamka uu soo fara geliyo si loo yareeyo dhibaatada hadda socota, dadka geysanayana cadaalada la horkeeno.

War-saxaafadeedkan ayaa looga hadlay waqtigii adkaa oo ay dadka iyo dalka Koonfur Afrika ay soo mareen iyo kaalintii dadka Soomaaliyeed ay ka soo qaateen is garab istaaga reer Kooonfur Afrika, hadana loo baahanyahay in ay ilaaliso xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaasi ku sugan.

Cabdi Xariir Baaruud oo ah Agaasimaha Golaha Qurba Joogta Soomaaliyeed oo isagoo ku sugan magaalada London ee dalka Ingiriiska oo u waramay Radio Muqdsho ayaa ka codsaday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya inay wax ka qabato dhibaatada gurucan ee loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ku nool.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip