Maraykanka oo liiska arga gixisada ku daray Horjoogayaasha cusub ee Kooxda UGUS

0
Wednesday April 22, 2015 - 09:14:43 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1394
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka oo liiska arga gixisada ku daray Horjoogayaasha cusub ee Kooxda UGUS

    Taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya Jeneraal C/raxmaan Maxamed Tuur Yare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hada iyo wixii ka dambeeya dadka dambiyada geysta laga qaadi doono Dhiig IWm .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliya Jeneraal C/raxmaan Maxamed Tuur Yare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in hada iyo wixii ka dambeeya dadka dambiyada geysta laga qaadi doono Dhiig IWm .

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa lagu sheegay in Horjooge Axmed Diiriye oo loo yaqaano Abuu-Cubeyd uu mas’uul ka ahaa weerarro ay kooxga argagixsisada Al-Shabaab ka geysatay gudaha dalka iyo Kenya, tan iyo markii uu xilka qabtay, kaddib dilkii horjoogihii hore ee Al-Shabaab, Axmed Cabdi Aw-Godane bishii September, sannadkii hore lagu dilay duqeyn xagga cirka ah.

Mareykanku, wuxuu sheegay in horjoogahan Abuu-Cubeyda uu ku shaqeeyo mabaa’diidii Godane, isagoo xubin firfircoon ka ah Al-Qaacidda.

Mahad Karatee oo ah madaxa sirdoonka Al-Shabaab, ayaa isna liiska argagixisada lagu daray, waxayna wasaaradda arrimaha dibaddu sheegtay in uu madax u yahay kooxda Amniyaatka oo ka mas’uul aheyd weeraro kala duwan oo laga geystay Kenya iyo Soomaaliya.

Xukuumadda Washington, ayaa Al-Shabaab u aqoonsatay koox argagixiso sannadkii 2008.

9-kii bishan ayay ahayd markii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya uu ansixiyay liiska Horjoogayaasha Al-shabaab ee madaxooda lacagaha la dul dhigay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip