Ku simaha Ra'iisul wasaaraha dalka oo kormeerey Maqaayaddi Qaraxa lala eegtay.

0
Tuesday April 21, 2015 - 17:10:07 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1295
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ku simaha Ra'iisul wasaaraha dalka oo kormeerey Maqaayaddi Qaraxa lala eegtay.

    Ku simaha Ra'iisul wasaaraha dalka ahna Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye",Taliyaha Hey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku simaha Ra'iisul wasaaraha dalka ahna Wasiirka Dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen oo ay wehliyaan Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye",Taliyaha Hey'adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA Janaraal C/raxmaan Maxamed Tuuryare iyo saraakiil kale ayaa kormeer ku tageen Maqaayadda Banooda oo ku taala aga gaarka Taallada Xaawo Taako ee magaalada Muqdisho isla markaana duhurnimadii maanta maleeshiyaad ka tirsan kooxda UGUS ay ka geysteen Qarax ay dad shacabka ah ku dhinteen.

Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka oo warbaahinta ka hadlay kadib kormeerka ayaa cambaareeyay qaraxa argagaxisinimo ee maleeshiyaadka UGUS ay la beegsadeen maqaayadda ay ka cunteynayeen dadka shacabka ah, isagoo sheegay in falkan uu daliil cad u yahay in maleeshiyaadkan caadeystay daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed aysan u tureynin dadka rayidka ah.

"Waad u eedaan maanta dhibaatada ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed Ilaah baan idin ku dhaariyee meeshaan aan hadda taagan nahay waa maqaayad oo shacabka wax ka cunaan qof ciidan ah ma joogin qof dowladda u shaqeeya ma joogin waxaa ay gumaadayaan waa shacabka” yuu yiri Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka.

Ku simaha Ra’iisul wasaaraha dalka ahna Wasiirka Dastuurka oo hadalkiisa sii wata ayaa baaqu direy dadka goobaha ganacsi ku leh hareeraha wadooyinka in ay iska hubiyaan gawaarida ka dhigayo hortooyada isla markaana ay la shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago dhagarta shacabka ay u maleegayaan maleeshiyaadka nabad diidka ah ee UGUS Al-Qaacida.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip