Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhul ugu deeqay qoysas dan yar ah.

0
Tuesday April 21, 2015 - 15:14:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhul ugu deeqay qoysas dan yar ah.

    Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab" oo ay wehliyaan mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayaa howlo kormeer ah ku tegay dhul ay leedahay dowladda oo ku yaala duleedka Muqdisho, isl

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen "Muungaab" oo ay wehliyaan mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka ayaa howlo kormeer ah ku tegay dhul ay leedahay dowladda oo ku yaala duleedka Muqdisho, isla markaana uu maamulka gobolku uu dib u dejin ugu sameeyay qoysas dhawaan laga soo raray xarumaha dowladda ee danta guud oo muddo 24 sano ka badan ay deganaayeen.

Mudane Xasan Maxamed Xuseen oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in dhulkaasi ay dowladda ku wareejisay qoysas laga soo saaray xarumaha dowladda, maamulkana uu gacan ku siinayo sidii ay u dhisan lahaayeen.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa digniin u jeediyay dadka doonaya inay sheegtaan Milkiyadda dhulka dowladda in tallaabo cad laga qaadi doono.

Dhulkan uu maamulka gobolka Banaadir ku wareejiyay qoysas Soomaaliyeed oo ku yaala aga gaarka Taliska Ciidanka Asluubta ayaa ah dhul banaan oo ay dowladda u qorsheysay bulshada Soomaaliyeed



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip