Wasiirka, Wasiiru dowlaha Warfaafinta iyo mas'uuliyiin kale oo kormeerey qaar kamid ah xarumaha Wasaaradda

0
Tuesday April 21, 2015 - 15:03:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1161
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka, Wasiiru dowlaha Warfaafinta iyo mas'uuliyiin kale oo kormeerey qaar kamid ah xarumaha Wasaaradda

    Wasiirka, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay wehliyaan qaar kamid ah agaasimiyaasha Wasaaradda ayaa maanta kormeereen qaar kamid ah xarumaha Wasaaradda ay ku leedahay magaalada Muqdisho yihiin Madbacadda Qaranka, Waka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ay wehliyaan qaar kamid ah agaasimiyaasha Wasaaradda ayaa maanta kormeereen qaar kamid ah xarumaha Wasaaradda ay ku leedahay magaalada Muqdisho yihiin Madbacadda Qaranka, Wakaalada Filimada Soomaaliya,golaha Murtiyada iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka, xarunta Wasaaradda Dalxiiska,Hoteelada Juba, Shabeele iyo Taleex oo hadda hoy u ah qoysas danyar ah oo Soomaaliyeed.

Inta uu kormeerkan ay ku gudaha jireen mas’uuliyiintan ayaa waxaa ay ku dhex socdaaleen xarumahaasi uu burbur xoogan uu hadda ka muuqdo,waxayna la kulmeen dadka degan goobahan isla markaana waxaa ay balan qaadeen in ay dib u dhis lagu sameyn doono xarumaha muhiimka ah.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeyee” Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska intii uu kormeerka ku gudaha jiray Warbaahinta kula hadlay Hotelkii Shabeele ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay nin sheegtay in uu leeyahay isla markaana u sameystay dokomentiyo beer abuur ah isagoona Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ka codsaday in ay soo xiraan ninkaas sheegtay milkiyadda hantida ummadda.

Wasiirka Maareeye ayaa sheegay in dowladda ay dayactir ku sameyn doonto goobaha muhiimka u ah dadka Soomaaliyeed isagoona shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Mas’uuliyiintan ka tirsan Wasaaradda Warfaafinta ayaa kormeerkooda maanta ku soo geba gebeeyay xarunta golaha Murtiyada iyo Madadaalada ee Tiyaatarka Qaranka iyo guriyaha Fanaaniinta Qaranka ee EX-fiyoore, iyadoo ku soo wareegeen qeybaha uu ka kooban yahay Tiyaatarka,iyadoona maareeye ku xigeenka Tiyaatarka C/kariim Farax Qaarey "Jiir” iyo Agaaismaha Fanaaniinta Waaberi Maxamed Xasan Barrow ayaa warbixin ku siiyay xaaladda uu hadda usgan yahay tiyaatarka Qaranka iyo sida uu ahaan jirey xilligii hore.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir "Maareeye” ayaa sheegay in fanaaniinta Soomaaliyeed ay qiimo weynu hayso dowladda Soomaaliya isla markaana ku dadaali doonto horumarintooda.

Wasiirka iyo madaxii kale ee kormeerka u wehlisay ayaa booqasho ugu tagay Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf oo ah Maareeyaha Tiyaatarka Qaranka uu xanuunsaya ayagoo ka wareystay xaaladiisa caafimaad.

Kormeerkan ay maanta sameeyeen Wasiirka, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiisa ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dadaalada dib loogu soo celinaayo heybadda Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip