Olole Nadaafadeed oo ka soconaya inta u dhexeysa Isgoysyada Dabka iyo KM4

0
Tuesday April 21, 2015 - 14:27:46 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Olole Nadaafadeed oo ka soconaya inta u dhexeysa Isgoysyada Dabka iyo KM4

    Ololahaan nadaafadeed oo ah mid sare loogu qaadayo bilicda caasimadda ayay haween ka kala socda Waaxyada degmooyinka Waaberi iyo Hodan, kuwaasi oo carada iyo qashinka ka qaadayay wadda Maka Al-mukarama, waxaana dadweynihii ku howlanaa Nadaafadda ay n

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ololahaan nadaafadeed oo ah mid sare loogu qaadayo bilicda caasimadda ayay haween ka kala socda Waaxyada degmooyinka Waaberi iyo Hodan, kuwaasi oo carada iyo qashinka ka qaadayay wadda Maka Al-mukarama, waxaana dadweynihii ku howlanaa Nadaafadda ay nadiifinayeen Waddamada Laamiga ah iyo hareeraha waddooyinka oo ay saameyn ku yeeshen roobabkii ka da'ay Muqdisho, iyadoo howsha Nadaafadda ay ka qeyb qaadanayeen gaadiidka dowladda Hoose.

Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee degmada Hodan Maxamuud Cali Xasan ayaa sheegay in shacabka degmada ay u istaageen sidii ay bilicda sare ugu qaadi lahaayeen.

Guddoomiyaha Degmada Waaberi Axmed Muumin Maxamed iyo ku-xigeenkiisa oo qeyb ka ahaa ka shaqeynta ololaha Nadaafadda oo dadweynaha ku dhiiri gelinayay sidii loo dar dargelin lahaa bilic soo celinta caasimadda ayaa tilmaamay inay ku dadaalayaan sidii ay u soo celin lahaaeen bilicda waddada Maka Al-mukarama

Kaaliyaha duqa Muqdisho ee xagga arrimaha bulshada Cabdiqaadir Macalin Axmed oo isna kormeerayay howlaha Nadaafadda ee ka socday Waddada Maka Al-mukarama ayaa tilmaamay in uu Maamullada Degmooyinka Hodan iyo Waaberi ugu mahadcelinayo sida ay ugu howlanyihiin xoojinta Ololaha Nadaafadda

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho kulan uu la qaatay degmooyinka ku amray inay ka shaqeeyaan dib u soo celinta bilicda caasimadda, maadaama roobabkii ka da’ay Muqdisho ay saameeyn ku yeesheen gaadiidka iyo dadweynaha.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip