Xukun 20 sano xarig ah oo lagu xukumay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi

0
Tuesday April 21, 2015 - 13:52:54 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukun 20 sano xarig ah oo lagu xukumay madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi

    Maxkamadda dambiyada ee dalka Masar ayaa ku labaatan sano oo xabsi ah ku xukuntay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar Maxamed Mursi iyo xubno kale oo ka tirsanaa xisbiga Xorriyadda iyo Cadaaladda ee dalka Masar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda dambiyada ee dalka Masar ayaa ku labaatan sano oo xabsi ah ku xukuntay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Masar Maxamed Mursi iyo xubno kale oo ka tirsanaa xisbiga Xorriyadda iyo Cadaaladda ee dalka Masar.

Sidoo kale maxkamaddu waxay ku xukuntay Mursi in 5 sano ay boolisku kormeer ku hayaan.

Xukunkani maxkamaddu ku ridday Mursi waxa uu ku saabsan yahay dacwad la xiriirtay dad ku dhintay rabshado iyo mudaaharaadyo ka dhacay bannaanka madaxtooyada Masar ee Qaahira, xilligii uu talada hayay madaxweyne Mursi.

Maxkamaddu waxay sidoo kale 20 sano oo xabsi adag ah ku ridday labo hoggaamiye oo ka tirsan Jamaacada Ikhwaanul Muslimiin kuwaas oo kala ah Muxammed Albeltaaji iyo Cisaam Alciryaan, kuwaas oo maxkamaddu sheegtay in ay rabshado abaabuleen.

Madaxweyne Mursi, waxaa sidoo kale uu sugayaa afar dacwadood oo kale, kuwaas oo la filayo in ay labo ka mid ah makamaddu go’aan ka soo saarto 16 May.

Eedeymaha loo haysto madaxweyne Mursi waxaa ka mid ah in uu sir wadaagay kooxaha Xamaas iyo Xisbullaah iyo dacwad kale oo ku saabsan xabsiyo loo dhacay oo laga sii daayay maxaabiis , maalmo yar ka dib markii la riday maamulkii Xusni Mubaarak.

Markii la riday nidaamkii Mubaarak, Mursi waxa uu ku jiray xabsi, kaas oo uu ka soo baxsaday markii ay dad careysani xoog ku soo galeen, oo ay maxaabiistii oo dhan oodda ka qaadeen.

Mursi, waxa uu ka mid ahaa maxaabiistii badnaa ee jeelasha ka soo baxay xilligaas, kooxda Ikhwaanul Muslimiin ee uu ka tirsan yahay ayaana lagu eedeeyay in ay xabsiyada jabiyeen.

Saddexdii Bishii July sanadkii 2013, ayay milaterigu xukunka ka tuureen Maxamed Mursi oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee si dimoqraadi ah loo so doorto dalka Masar.

Waxa uu talada hayay hal sano oo kaliya.

Talada waxaa kala wareegay wasiirkiisii gaashaan dhigga Cabdulfataax Alsiisi, oo ka dibna noqday madaxweynaha Masar.

Masar wixii ka dambeeyay markii talada laga tuuray Maxamed Mursi,waxaa ka jira degganaansho la’aan siyaasadeed iyo ammaan.

Waxaa si joogto ah uga dhaca qaraxyo, dibax baxyo rabshado wata iyo dagaallo ay milaterigu la galaan kooxo ku xiran ururka Daacish oo ka dagaallama gobolka Siinaa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip