Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo Cadaado kula shiraya qeybo ka mid ah bulshada rayidka

0
Tuesday April 21, 2015 - 10:15:30 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1393
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro ka tirsan Xukuumadda oo Cadaado kula shiraya qeybo ka mid ah bulshada rayidka

    Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale ayaa maanta magaalada Cadaado kulamo kula leh qeybaha bulshada, kaasi oo looga arrinsanayo dar dargelinta habsami u socodka howlaha maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya iyo xubno kale ayaa maanta magaalada Cadaado kulamo kula leh qeybaha bulshada, kaasi oo looga arrinsanayo dar dargelinta habsami u socodka howlaha maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo muddo sagaal cisho ah ku sugan magaalada Cadaado iyo wafdi kale oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Cali Ceynte oo shalay gaaray magaalada Cadaado ayaa kulamada ay la qaadanayaan qeybaha bulshada ku qotoma, si loo dar dargelin lahaa shirka, iyagoo guddiga farsamada ay shalay shaaciyeen ay socdaan xulidda ergada.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ee magaalada Cadaado Maxamuud Cabdi Diirshe ayaa ku soo waramayaa in ay meel wanaagsan marayso soo xulidda ergada ka qeyb galaysa shirka Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud, si loo guda galo ajandayasha ugu muhiimsan shirka.

Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Qorsheynta ee xukuumadda Soomaaliya ee shalay gaaray magaalada Cadaado waxaa ka mid ah, Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Axmed Cali Maxamed Kediyeiyo xubno kale.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip