Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo Dib-u-dhisaya Garoonka Magaalada Buulo-burte (SAWIRRO)

0
Monday September 14, 2015 - 12:03:09 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 1109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Jabuuti ee AMISOM oo Dib-u-dhisaya Garoonka Magaalada Buulo-burte (SAWIRRO)

    Ciidanka Jabuuti ka socda ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dib u dhisayaan garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, si loo Fududeeyo in Gar-gaarrada Bani'aadamnimo iyo Ganacsiga ay Degmadaas gaaraan, iyadoo Magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidanka Jabuuti ka socda ee qaybta ka ah AMISOM ayaa sheegay inay dib u dhisayaan garoonka diyaaradaha degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan, si loo Fududeeyo in Gar-gaarrada Bani'aadamnimo iyo Ganacsiga ay Degmadaas gaaraan, iyadoo Magaalada ay tan iyo Sannadkii Hore Go'doomin ku haysay Al-shabaab.
Sidoo kale, Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ayaa Sheegay inay Degmada ka Hir-geliyeen Isbitaal loogu Adeegayo Haweenka iyo Carruurta, ayna gacan weyn ka geysteen hirgelinta idaacadda Buulo-burte. Sidoo kalena ay shan ceel-biyood ka qodi doonaan Degmada.

AMISOM ayaa War-saxaafadeed ay soo saartay Maanta ku sheegtay Intii aan Al-shabaab laga qabsan degmada Buulo-burte bishii May ee 2014-kii ay Buulo-burte u ahayd xarun ay weerarradooad ka abaabulaan. Laakiinse markii laga Qabsadanayna ay Kooxdu billowdo inay go’doomin geliyaan Degmada ayna weeraraan cid walba oo doonaysa inay soo gasho.

Dib-u-dhiska Garoonka Diyaaradaha Buulo-burte ayaa la sheegay inay qayb ka tahay sidii loo fududeyn lahaa in gargaarrada bani’aadamnimo ay soo gaaraan degmada, sidoo kalena uu ganacsigu si caadi ah ku yimaado.

Askar ka tirsan Ciidamada Jabuuti ee AMISOM ah la sheegay in la Geeyay Buulo-burte si ay gacan uga geysteen dayactirka Garoonka Buulo-burte si ay u Fududeeyaan in Shacabku ku nool degmadaas ay u isticmaali lahaayeen garoonkooda. Iyadoo Garoonku uu isku xiri doono; Buulo-burte, Muqdisho, Baladweyne, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo.

Taliyaha Aagga Afaraad ee Ciidamada AMISOM, Col. Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil iyo Taliyaha Ciidamada Jabuuti ee Somalia ku sugan, Col. Cismaan Dubbad oo ay Wehliyeen Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa Booqday Degmada, si ay u Indho-indheeyaan Xaaladda nololeed ee shacabka ku nool Buulo-burte.

"Ujeeddada aan u nimid Degmada Buulo-burte Waa sidii aan u Kormeeri lahayn Xaaladda Shacabka Degmada iyo Howlgallada ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee Buulo-burte ku sugan. Marka labaad waxaan kulan la qaadannay maamulka Magaalada, Shacabka, odayaasha iyo Saraakiisha Magaalada Buulo-burte ku sugan; kuwaasoo aan kala Hadalnay Xaaladaha Degmada ka jirta iyo Caqabadaha haysta. Waxaan kaloo Booqannay Garoonka Diyaaradaha Buulo-burte oo saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay AMISOM ka wadday Dayactir; waxaana rajeynaynaa in dhawaan lasoo gaba-gabeyn doono dib u dhiska lagu sameynayo garoonka uun howlgalo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan AMISOM, Col. Cismaan Dubbad.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Buulo-burte, C/casiis Dulow Cabdi ayaa ka Mahad-celiyay Taageerada Ciidamada AMISOM ee dhinacyada xoojinta Ammaanka Degmada iyo Dib-u-dhiskeeda.

"Waxaan saraakiisha AMISOM kala hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay dib u dhiska ay ka wadaan Garoonka diyaaradaha Buulo-burte oo aan horay uga Dalbannay. Dayactirka garoonkana degmada wuu socdaa... Waxaanan Rajeynayaa inay dhawaan Diyaaradaha soo Cago-dhigtaan. Sidoo kale Saraakiishu waxay booqdeen xarunta Idaacadda degmada oo ay AMISOM naga Taageerayso Xoojinteeda. Waxaan kaloo booqannay Isbitaalka Haweenka iyo Carruurta oo ay dhistay AMISOM oo xarigga laga jaray, iyadoo isbitaal noocan oo kale ah aysan Magaalada horay u lahaan jirin. Saddex Meelood oo kalena Kormeerro ayaanu ku tagnay,” ayuu yiri C/casiis Dulow.

Ugu dambeyn, Taliyaha ciidamada Jabuuti ee AMISOM, Col. Cismaan Dubbad ayaa xusay in Booqashadooda ay Guul ku soo Dhammaatay. Isagoo Ciidamada Jabuuti ee Buulo-burte ku sugan ku Amaanay inay Qabteen Hawlo wanaagsan oo ay ka mid yihiin sugidda amniga iyo Gacan ka Geysashada Waxyaabaha ay u baahan yihiin Shacabka Buulo-burte ku nool.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip