Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday xilliga ay furmayaan Wadatashiyada Doorashada 2016-ka

0
Monday September 14, 2015 - 11:51:37 in Wararka by Mustaf Xuseen
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday xilliga ay furmayaan Wadatashiyada Doorashada 2016-ka

    Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Cumar C/rashiid ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey in 20-ka bishan September, 2015-ka ay magaalada Muqdisho

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul Wasaarihiisa Cumar C/rashiid ayaa magaalada Kismaayo kaga dhawaaqey in 20-ka bishan September, 2015-ka ay magaalada Muqdisho

 ka billaaban doonaan kulamada Wadatashiga hanaanka doorashada iyo Aayaha siysaasadeed dalka ee Sannadka 2016-ka.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa manta go’aankaan kaga dhawaaqay Kismaayo, kaddib kulan gaar ah oo Wadatashi oo dhex marey madaxda Qaranka iyo kuwa maamullada dalka qaarkood ay ku yeesheen Kismaayo.

Kulanka ayaa Madaxda Waxay isku Af-garteen in Maadaama Waqtiga haray uu yar yahay, hawlo badanna ay dalka horyaalaan loo baahan yahay dardar-gelinta Qorshaha siyaasadeed ee dalka oo dhammaan bulshada Soomaaliyeed laga Qayb-galinayo.

Sidoo kale, kulanka ayaa laga sheegay in dalka aysan doorasho Qof iyo Cod ah aysan dalka ka dhici karin Sannadka 2016-ka, iyadoo lagu Wado in Shirka soo Socda in looga Tashado nooca doorasho ee dalka ka dhici karta marka la gaaro Sannadka 2016-ka.

Ugu dambeyn, hadalka Madaxda Qaranka ayaa Wuxuu imaanayaa Xilli uu Dib-u-dhac ku yimid kulanka wadatashiga Madaxda dalka iyo kuwa maamullada dalka ka jira uga Furmi lahaa maanta magaalada Kismaayo, kaddib khilaaf iyo Aragti-kala-duwanaasho soo Dhex-gashay madaxda dalka iyo kuwa Maamullada KMG ah ee Somalia ka jira.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip